Ibrahim Traore: Macluumaad khaldan oo loo adeegsan jiray ammaanta hoggaamiyahan milatariga ah

Boqolaal fiidiyow oo AI lagu soo saaray ayaa muujinaya Traoré inuu yahay geesi Afrikaan ah, oo badankoodu ay ku jiraan macluumaad been ah, kuwaasi oo qulqulaya baraha bulshada guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hooseeya tan iyo dhammaadkii bishii Abriil.

Hadalhaynta waa mid baahsan, iyada oo adeegsadayaasha baraha bulshada ee X, Facebook, Instagram, TikTok, WhatsApp iyo Youtube oo ka soo kala jeeda dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Ghana, iyo Kenya ay ku amaanayaan Traoré inuu tusaale u yahay hoggaamiyeyaasha kale ee Afrika.

37 jirkan militariga ah ee la wareegay talada dalka galbeedka Afrika 2022, ayaa isu muujiya inuu yahay nin u ololeeya siyaasadda ka soo horjeeda Imbaraadooriyada, isaga oo dhaliilay waxa uu u arko faragelinta quwadaha reer galbeedka, gaar ahaan Faransiiska, halka uu Ruushka ka dhigtay xulafo istaraatiijiyadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker