Afrika iyo sida ay u saamaysay Canshuuraha cusub ee Trump
Baddeecadaha Koonfur Afrika ee loo dhoofiyo Maraykanka ayaa wajahaya soddon boqolkiiba oo canshuur ah. Xiriirka u dhaxeeya Trump iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ahaa mid uu walaac hareeyay.
Madaxweynaha Maraykanka waxaa uu joojiyay dhammaan gargaarkii tagayay Koonfur Afrika, isaga oo ku eedeeyay faquuq uu sheegay in lagu hayo dadka caddaanka ee tirada yar.
Trump ayaa sidoo kale cambaareeyay kiiska xasuuqa ee ka dhanka ah Israa’iil ee ay Koonfur Afrika gaysay maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Waxaa uu dhanka kale Maraykanku hoos u dhigay canshuurta baddeecadaha ka imaanaya Lesotho oo horay u ahayd konton haatana la gaarsiiyay ilaa shan iyo toban boqolkiiba ayna suurtgal tahay badbaadada kumanaan shaqooyin warshadaha dharka.




