Shir lagu xaqiijinayo Amniga Dalka oo ka qabsoomay wasaaradda arrimaha gudaha JSL.
Shir lagu gorfeynayay waxyaabaha khatarta ku ah amniga Qaranka, oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha guduhu ayaa maanta xarunta wasaaraddaasi ka dhacay.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Maxamed Cali Maxamud (Shabeel) ayaa shir-guddoomiyey.
Shirkan waxa ka soo qayb galay, agaasimayaasha waaxaha, Qorshaynta, Amniga, Jinsiyadaha iyo La-taliyayaasha Sharciga, Ciidanka Booliska, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Dab-demiska iyo Ciidanka Socdaalka (Immigration).
Waxa xooga lagu saarey sidii looga hortagilahaa khatataha isla markaa meel looga soowada jeesanlahaa waxyaabaha amniga dalka khatarta ku ah.




