Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Beled-Xaawo

Wararka ka imanaya magaalada Baled-xaawo ayaa sheegaya in uu hadda joogsaday dagaal saakay halkaasi ka bilaabmay.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyyay ciidamada Jubaland iyo ciidan uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan oo ah sargaal ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Qaar ka mid dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in magaalada saakay ilaa xalay ay dad badan ka barakaceen. Waxay barakacay dhanka xadka Kenya gaar ahaan magaalada Mandera.

Dagaalkan ayaa ahaa mid maalmihii u dambeeyay mar-ba dib ugu soo noq-noqonayay magaalada Baledxaawo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker