Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuna duuli doona magaca Soomaali Airlines, kuwaas oo howl gali doona muddo laba bilood gudahood ah.

Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa shalay lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Somaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa faahfaahiyey xogta heshiiskaan iyo diyaaradaha la soo iibiyey.

“Waxaan maanta heshiis kala iibsi ah la billownay shirkad la yiraahdo Lema Air Group. Waxaanu ka iibinay Laba dayaaradood oo ah Airbus A320, waxayna hawlgali doonaan muddo laba bilood gudahood ah” ayuu yiri wasiirku.

Dowladda ayaa sheegtay in arrintaan ay tahay guul u soo hoyatay bulshada Soomaaliya iyadoo diyaaradahaan ay Soomaaliya ku xiri doonaan caalamka kale.

“Waxay wax badan ka qaban doontaa dhaqaalaha”, ayuu intaa ku daray

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker