Ciidamada Booliska Somaliland oo Beeniyaay Warar la Baahiyay
Taliska Guud ee Ciidanka Booliska JSL wuxuu si cad u beeninayaa warar been abuur ah oo xalay lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa nin lagu dilay.
Dadka faafinaya wararka been abuurka ah ee noocaas ah waa cadowga Somaliland, waxaana si adag ugu digaynaa in ay ka waantoobaan falalka kicinta ah ee amniga dalka wax u dhimaya.
Ciidanka Booliska JSL wuxuu u taagan yahay sugidda nabadgelyada, wuxuuna shacabka ka codsanayaa in ay iska hubiyaan xogaha ay helayaan, isla markaana iska ilaaliyaan faafinta wararka been abuurka.




