๐๐ฎ๐๐๐ข๐๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ ๐ค๐ ๐ก๐๐ฐ๐ฅ-๐ ๐๐ฅ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Hayโadaha Samafalka ee Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa dardar-gelinta Gurmadka Abaaraha ka jira dalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta heerka abaarta, ogaanshaha baahiyaha biniโaadannimo ee deg-degga ah, iyo xoojinta iskaashiga lagu wajahayo saamaynta Abaaraha ee ka jirta deegaannada ay sida adag abaaruhu ugu habsadeen.
Kulanka waxa ka hadlay xubno ka tirsan Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ku hadlayey afka Hayโadaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah, kuwaasi oo dhammantood hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarman tahay in si wadajir ah oo qorshaysan loogu gurmado dadka ay Abaarahu saameeyern.
Guddigu waxa ay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah u sheegeen baaxadda iyo saameynta Abaaraha, qorshaha Qaran ee wax lagaga qabanayo xaaladaha degdegga ah ee Abaaraha, iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay Hayโaduhu ka qaadan karaan Gurmadka Abaaraha.
Dhinacyada ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga, la is dhaafsado xogta muhiimka ah, lana hubiyo in gurmadku gaadho bulshada ugu nugul. Waxa sidoo kale la isla qaatay in la dhiso hannaan is-faham iyo hawlgal mideysan oo joogto ah.
Waxa xusid mudan in Hayโadda PHARO FOUNDATION ay Guddida Heer Qaran ku wareejiyeen 1,000 Booyadood oo biyo ah, taasi oo noqonaysa
taakuuladii ugu horraysay ee ay PHARO ugu talo galeen Gurmadka Abaaraha.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo kulanka soo xidhay ayaa Hayโadaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ku adkeeyay in ay qaataan kaalintooda Gurmadka Abaaraha, si gargaar loola gaadho dadka tabaaleysan.
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu mar kale ku celiyey baaq ku wajahan Bulshada Caalamka iyo Shacabka Somaliland (gudaha iyo dibeddaba) si gurmad iyo gargaar biniโaadannimo oo waxtar leh loogu fidiyo dadka reer Somaliland ee ay abaartu saameysay.




