Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulan aqoon-korodhsi ah u furay Agaasimayaasha Guud ee Waasaradaha iyo Agaasime waaxeedyada Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradaha Dawlada
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo kulan aqoon-korodhsi ah u furay Agaasimayaasha Guud ee Waasaradaha iyo Agaasime waaxeedyada Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradaha Dawlada, ayaa si weyn ugu dheeraday qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan la dagaalanka musuqa iyo wax is daba-marint, waxana yidhi.
”Agaasimayaasha guud waa laf dhabarta Wasaaradaha, waxaana mihiim ah in umadda loogu shaqeeyo si hufan. Aniga iyo Madaxweynuhu kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaanu ku dhaaranay, waa naga dhab oo waxa naga go’an in aan la dagaalano musuq-maasuqa iyo maamul xumada, imikaba sidaasi ha loo ogaado! Qofka ay arimahaasi ku caddaadaana sharciga ayaa la marin doona.
Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka iyo Lacagta waxa aan u sheegayaa in si adag la idiinkala xisaabtami doono sida aad ummada ugu shaqaysaan”. ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.




