Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddeeyey inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan madax-dhaqameedka
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddeeyey inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan madax-dhaqameedka iyo dadka faafiya hadalada cayda ah ee lagu khalkhalinayo amniga qaranka.
Yooyootanka ka socda Baraha Bulshada ee aan sharciga ahayn ee nin Suldaan sheeganayaa intuu soo fadhiisto TV-ga uu wixii afkiisa ku soo dhacaba uu odhanayo sharci maaha, booliskuna u dul-qaadan mayo ee sharciga ayaa la horgaynayaa nin walba, sharciga ayaana ina deeqa ee qolonimo inama deeqdo. Dawladnimada ayaa ina deeqda oo taas ayeynu isugu wada nimaadnaa ee aynu wada ilaashanyo, amnigana ha la ilaaliyo.
Ciidanka Boolisku wuxuu ku amran yahay cidkasta oo sharciga ku gefaysa in sharciga la horgeeyo oo kaas ayaa ina wada deeqa, cid aan dambi gelina boolisku doonan maayo oo waa ummadiisii.
Waxaan arkayaa shaqsiyaad qarankan dambiyo waaweyn ka galay oo haddana Booliska caayaya oo markii lagu qaadi waayey kiiskii ay galeen ay noqotay inay soo fadhiistaan Baraha Bulshada, iyagoo Booliska caayaya, Booliskuna wuxuu u hayaa kiiskii ay galeen oo u yaala oo rikoodhka ugu jira. Nin kasta oo qarankan dibin-daabyo ka galay warbixintiisii ay way taalaa oo laamana Amniga ee Boolisku gacanka ayey ku hayaan, waxaanan leeyahay dadka soo fadhiisanayaa ee caytamaya adeeg qof walba wuxuu doono iska odhan maayo ee sharciga ayaa qabanaya,? ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.




