Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti miisaan leh oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegay dalka Taiwan.

 

Wasiirka oo ay socdaalkan ku weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Khadar xuseen Cabdi, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Hurre Haariye, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dibadda Ambassador Mohamed Omar Hagi Mohamoud, Lataliyaha Madaxa Diblomaasiyadda ee Madaxtooyada, iyo masuuliyiin kale.

Waxaa weftigan ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Taiwan madax sare oo ka tirsan dalkaasi, waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Mr Bakaale, isagoo dowladda Taiwan uga mahadceliyay martiqaadka ay u fidisay weftigiisa.

Warbixintan oo ay faafisay Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan soona turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu ku nuux-nuux saday in Taiwan ay tahay saaxiibka muhiimka ah ee Somaliland, labada dhinacna ay wadaagaan hal qiyam iyo fikrad.

Weftigan ka socda Xukuumadda Somaliland mudada ay booqashada ku joogaan dalkaas waxay la kulmi doonaan Madaxweyne Taiwan Lai Ching-te, Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka Wu Chao-xie, Wasiirka Arrimaha Dibadda Lin Chia-lung, waxaana martigelin doona ku xigeenka Wasiiru Dowlaha Taiwan Wu Chih-chung.

Sida warkan lagu sheegay Weftigan Somaliland ayaa qallinka ku duugi doona Heshiiska Iskaashiga Ilaalada Xeebaha oo u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Taiwan.

Weftigu waxa kale oo ay booqan doonaan hay’adda iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta, si ay isku dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xaaladda guud ee iskaashiga laba geesoodka ah ee Taiwan iyo Somaliland iyo horumarka mustaqbalka.

Dawladda Taiwan ayaa ballan qaaday inay sii xoojin doonto iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Somaliland sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, warfaafinta iyo isgaadhsiinta, amniga, tamarta iyo macdanta.

Labada dal ee Somaliland iyo Taiwan ayaa halgan ugu jira sidii ay aqoonsi buuxa uga heli lahaayeen dunnida dimuquraadiga ah, waxaanu xidhiidhka labada waddan bilaabmay sannadkii 2020-kii.

Weftigan ka socda Xukuumadda Somaliland ee ka dhalatay xisbiga Waddani ayay u tahay markii koowaad ee ay booqasho ku tagaan dalka Taiwan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker