Sirta caafimmadka iyo cimri dherirka oo Mahatiir Maxamed uu ka sheekeeyay

Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia, Mahatiir Maxamed oo dhashay 10-kii Luulyo ee sannadkii 1925-tii, da’diisuna ay tahay 94 sano jir ayaa marar badan la weydiiyay sababta keentay in uu noqdo qof aysan uga muuqanin da’da uu jiro.

Mahatiir oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Malaysia, markalena kusoo rogaal celiyay saaxadda siyaasadda ee dalkaas oo hadda waddanka hoggaaminayo ayaa sheegay in uu nasiib u yeeshay in aysna ku dhicin cuduro keeni kara cimri degdeg, caafimmaad wanaagsanna uu ku noolaado.

Mahatiir waxaa uu sheegay in mar uu ku dhacay xanuun dhanka wadnaha ah, balse uu ka badbaaday, wixii intaa ka dambeeyayna uu wax ka badelay qaab nololeedkiisa.

Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa oo aan turjunay maqaal uu ra’iisul wasaare Mahatiir Maxamed ku qoray wargeyska The NST ee ka soo baxa dalka Malaysia.

Waxwalba waxay ka bilawdaan cuntada uu qofka cuno, loona baahan yahay in qofka uu waxyar ka cuno cunta walba inta ay ka macaan tahay.

Qofka haddii aysan ku dhicin cudurada faraha ba’an ku haya dadka, waxaa uu nasiib u yeelan karaa in uu ku noolaado xaalad caafimaad leh, da’a walba oo uu yahayna uu u noolaado sida qof caadi ah.

Waxyaaba badan oo ku jira gacanta dadka bani’aadamka haddii si wanaagsan loo maareeyo waxay keeni karaan in qofka uu ku noolado caafimaad wanaagsan, xitaa haddii uu noqdo qof da’ ah, waxaana ka mid ah xakameynta qofka uu ku sameeyo noolashiisa iyo waxa marwalba oo ay jeclaato nafsadiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker