Israa’iil oo digniin u dirtay maamulka Suuriya

Wasiirka Difaaca ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa digniin u diray maamulka Dimishiq isaga oo adeegsanaya bartiisa X, kaddib markii ciidanka Israa’iil ay duqeeyeen dhowr gawaari hubeysan ah oo ku sugnaa koonfurta Suuriya si looga hortago inay gaaraan tuulo ay degto beesha Druze oo u dhow goobta ay iska horimaadyadu ka socdaan.

Katz wuxuu ku qoray bartiisa X, in weerarrada Israa’iil ay yihiin “farriin cad iyo digniin loo dirayo maamulka Suuriya. Ma oggolaan doonno in waxyeello loo geysto beesha Druze ee Suuriya.

Colaadda ka socota aaggaas waxaa ku dhintay ilaa iyo hadda ka badan boqol qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker