Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo furey Wejigii Kowaad ee taakuleynta abaaraha ku dhuftey Gobollada Awdal iyo Selel

 

Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Muxumed Xasan Jaamac (Xodey), ayaa ka hadlay kaalmada xukuumadda JSL, ugu tallo gashay in lagu samata-bixiyo dadka abaaruhu saameeyeen ee gobollada Awdal iyo Selel, waxa uu sheegay in wejiga kowaad ee kaalmadaasi ay dhan tahay saddex kun iyo laba boqol oo qoys, si bulshada loo samata-bixiyo.

Guddoomiye Xodey, ayaa madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo xukuumadda uga mahadceliyay Kaalmadan raashinka ee loogu tallo galey in lagu samata-bixiyo bulshada gobollada Galbeedka Somaliland, ee abaaruhu saameeyeen.

Waxaanu yidhi.”Halkan waxa aanu ku shaacineyna wejigii kowaad ee gurmadka taakuleynta abaaraha ee xukuumaddu kaga qayb qaadan lahayd sidii looga samata-bixinlahaa abaarta baahsan ee gobolka Awdal, saameysay.

Gurmadkani waxa uu ka kooban yahay saddex kun iyo laba boqol oo qoys, kun qoys waxale gobolka Selel, kun qoysna waxa le Baki iyo Borama, kun iyo laba boqol oo qoysna waxa le degmada Loghaya oo ah meeshi ugu badneyd ee abaartu saameysay ah waxa kale oo la socda lix boqol oo Kintaal oo calafka xoolaha ah, oo aanu ugu tallo galney gobolka Awdal, maadama abaartu xudunteedii ahayd.

Waxa aanu uga mahadcelineyna madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo xukuumadda, “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker