Ma xasuustaa sidii uu u dhacay shilkii diyaaraddii Air India ee dadka badan ku dhinteen

Duulimaadkii diyaaraddii Air India oo numberkeedu ahaa Flight 171 ayaa ku sii jeeday magaalada London iyadoo ka duushay magaalada Ahmedabad 12-kii bisha Juun, balse waxey burburtay wax yar kadib markii ay kacday, taasoo sababtay dhimashada 241 qof oo saarnaa diyaaradda.

Wadarta guud, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in 260 qof ay ku dhinteen shilkaas, kadib markii diyaaraddu ay ku dhacday xaafad dad badan ku noolyihiin.

Diyaaradda nooca Boeing 787-8 Dreamliner ayaa soo dirtay calaamadda degdegga ah kahor intaysan ku dhicin dhisme loogu talagalay in ay ku nagaadaan dhakhaatiirta oo ku yaalla Isbitaalka Byramjee Jeejeebhoy Medical College and Civil Hospital.

Qofka kaliya ee ka badbaaday diyaaradda, oo ahaa muwaadin British ah oo lagu magacaabo Vishwashkumar Ramesh, ayaa yiri: “Wali ma aaminsani sida aan ugu uga badbaaday.”

Diyaaradda waxaa saarnaa 169 muwaadiniin oo Hindiya u dhashay , 53 muwaadiniin oo ka soo jeeday Ingiriiska, toddobo muwaadiniin oo reer Portugal ahaa, hal muwaadin oo Canadian ahaa, iyo 12 shaqaale ahaa.

Baaritaan rasmi ah ayaa waxaa bilaabay Hay’adda Baarista Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya (AAIB) si loo ogaado sababta keentay shilka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker