PKK oo hubkooda dhigaya iyaga oo qayb ka noqnaya bulshada Turkiga

Kooxda mucaaradka Kurdida ee PKK ayaa bilaabay nidaam taariikhi ah oo ay ku dhigayaan hubkooda ka dib muddo dheer oo ay dagaal kula jireen maamulka Turkiga.

Hubka ayaa lagu burburiyay munaasabad ka dhacday Kurdistan Ciraaq.

Kooxda ayaa lagu eedeeyay weeraro badan oo ka dhacay Turkiga 40-kii sano ee la soo dhaafay, iyaga oo hadda sheegay inay adeegsanayaan habab nabbad iyo dimuqraadiyad ay xuquuqdooda ugu raadiyaan kooxda laga tira badan yahay ee kurdiyiinta.

Guddi baarlamaan oo Turki ah ayaa la sameeyay si ay xubnaha PKK ugu sameeyaan isdhexgal ay la yeeshaan bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker