GHF oo sheegtay inay is bedel ku sameynayso gargaar qaybinteeda Gaza

Arbacadii qirtay in rabshado ay ka dhacaan agagaarka xarumaheeda, waxayse diiday in wax dad ahi lagu dilay.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa sheegay in shan boqol oo qof la dilay, iyagoo sugaya in ay raashiin helaan, tan iyo daba-yaaqadii bishii May oo markaasi ay hay’addan la wareegtay shaqadii hay’adaha bani’aadantinimada ay sanadaha badan ka wadeen Marinka Gaza.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa aasaastay hay’addan oo lagu wareejiyay qandaraasleyaal iyo shirkado dhanka amniga oo Mareykan ah.

Qandaraasleyaasha Mareykanka ayaa maamula hay’addan oo leh ilaalo gaar ah oo hubeysan oo ka tirsan Militariga Mareykanka, waxaana xarumaheeda dusha ka ilaaliya Ciidamada Israel.

GHF ayaa ku dhawaaqday is bedelkan cusub, maalmo yar uun ka dib, markii 170 hay’ado caalami ah ay ku baaqeen in la qaado tallaabo degdeg ah, oo lagu soo afjarayo qorshaha gargaarka ee Israel iyo in dib loogu noqdo hababka isku-duwidda gargaarka ee ay Qaramada Midoobey hoggaamiso.

Hay’addan ayaan helin taageero caalami ah, marka laga soo tago Mareykanka oo taageeray, illaa iyo haddana ah dalka keliya ee dhaqaalaha ku siiya shaqada ay ka waddo gudaha Gaza.

Israel ayaa diiday in hay’adihii ka shaqeynayay howlaha gargaarka ee Gaza ay kaalmada bani’aadantinimo keenaan Marinka Gaza iyo in lagu qaybiyo Xarumaha Qaramada Midoobey.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa gebi ahaanba ka horyimid in ay la shaqeeyaan hay’addaasi, sababtu tahay in aanan lagu kalsoonaan karin madaxbannaanideeda & dhexdhexaadinmadeeda iyo inaysan ku shaqeyn mabaadi’da aasaasiga u ah hay’adaha bani’aadantinimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker