Xalada Magaalada Laascanod oo Cakiran

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa gashay mooro coladeed ka dib markii midowga Musharraxinta gaar ahaanna Axmed Karaash, Cabdirisaaq Khaliif Dawdar, Ataash iyo Shiine ay ciidan ku daabuleen hotel-ka Jiidbaale oo la doonayey in lagu qabto shir lagu sheegay dhamaystirka maamuulka Sool Bari.
Ciidan si gaar ah uga amar qaata Axmed Karaash ayaa hotelkaas ka dareeriyey rag la sheegay in ay metelayaan beesha Warsangeli kuwaas oo hadda dhinaca suuqa loo soo daabulay.
Sidoo kale ciidankan ayaa wacad ku maray in ay soo ridi doonaan diyaarad ka iman lahayd dhinaca Xamar oo ay la socdaan Bidhaan iyo rag kuwaas oo furi lahaa shirkan maanta lagu kala kacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker