Wasiirka arrimaha Gudaha oo Masuuliyiinta Gobolka Maroodi-jeex kala shirey Adkeynta Amniga Gobolka.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxmed Carab, ayaa xafiiskiisa kula shirey guddoomiyaha iyo ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Axmed Maxamed Cadaad iyo Weli Cabdi Jaamac.
Shirkani intii uu socday waxa ay wasiirka iyo masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex, kawada hadleen hawl-socodsiinta xafiiska gobolka iyo sidii xil weyn la isaga saarilahaa adkeynta amniga iyo nabadgelyada.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada ay Qaranka iyo bulshadaba u hayaan masuuliyiint gobolku.
Shirkan ayaa ka dhacay xafiiska wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland ee magaalada Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker