Madaxweynaha 80 jirka ah ee Uganda oo doonayaa inuu xukunka sii hayo

Yoweri Museveni, oo ah 80 jir, ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay musharraxa xisbiga talada haya ee Uganda doorashada madaxtinimada ee sannadka soo socda, taasoo waddada u furaysa inuu doonayo inuu kordhiyo muddada 40-ka sano ku dhow ee uu xukunka hayo.

Khudbaddii uu ku aqbalayay ayaa Museveni waxa uu ku sheegay in uu ka jawaabay baaqii loo soo jeediyay, haddii la doorto, inuu sii wadi doono howshiisa ah in Uganda uu ka dhigo “dal dhaqaalahoodu dhex dhexaad yahay”.

Dadka dhaleeceeya Museveni ayaa sheegay in uu gacan bir ah ku xukumayay tan iyo markii uu xukunka la wareegay isagoo jabhad ah 1986-kii.

Waxa uu ku guulaystey doorasho kasta oo la qabto tan iyo markaas, dastuurka ayaa laba jeer wax laga beddelay si meesha looga saaro da’da iyo muddada si uu u sii joogo xafiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker