Heshiis Iskaashi oo u Dhaxeeya Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Hawlaha Guud oo Lagu Saxeexay Hargeysa.

Waxaa maanta si rasmi ah heshiis iskaashi u kala saxeexday magaalada Hargeysa Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid. Heshiiskan ayaa lagu saleeyay hirgelinta dhismayaasha waxbarasho ee uu maalgelinayo Mashruuca Bangiga Adduunka (World Bank), waxaana si gaar ah diiradda loo saaray tayeynta iyo ilaalinta halbeegyada dhismayaasha waxbarashada dalka.

Munaasabadda saxeexa heshiiska waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa xubnaha Mashruuca Fulinta (PIU) ee World Bank, kuwaas oo gacan ka geysan doona dhaqan-galka mashruuca iyo dabagalka tayada dhismayaasha.

Labada Wasiir ayaa isku afgartay in ay si dhow u wada shaqeeyaan si loo xaqiijiyo in dhismayaasha waxbarasho ee cusub ay waafaqaan halbeegyada caalamiga ah, loona helo xarumo waxbarasho oo casri ah, ammaan ah, kana tarjumaya baahida ardayda iyo bulshada.

Mashruucan ayaa qeyb muhiim ah ka ah qorshaha dowladdu ugu jirto horumarinta adeegyada waxbarashada iyo kaabeyaasha muhiimka u ah kobcinta aqoonta iyo fursadaha dhalinyarada Somaliland..

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker