Baadigoobka oo socda xilli daadad ba’an ay Mareykanka ku dileen 51 qof
Boqollaal samatabixiyeyaal ah ayaa loo daad gureeyay si ay gacan uga geystaan helidda dadka lagu la’yahay bartamaha Texas ee dalka Mareykanka, kadib markii daadad xooggan ay ku dhinteen 51 qof oo ay ku jiraan 15 carruur ah.
Meesha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ah deegaanka Kerr oo ay ku dhinteen 43 qof halka 27 carruur ahna lagu la’yahay xero dhalinyaro Kirishtaan ah ay ku jireen oo ku taal agagaarka wabiga Guadalupe.
“Shaqadu way sii socotaa, wayna sii socon doontaa, ilaa qof walba laga helayo,” ayuu ballan qaaday Larry Leitha, oo ah madaxa degmada Kerr.
Dadka ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qeybo kale oo ka tirsan gobolka, sida degmada Travis iyo Tom Green.
Digniinno badan oo daadad ah ayaa weli ka taagan bartamaha Texas.
Ilaa 850 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa hadda.
Shir jaraa’id oo uu qabtay galabnimadii Sabtida, guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa wuxuu ku sheegay in uu saxiixay bayaan musiibo oo ballaaran si kor loogu qaado dadaallada baadi-goobka.