Ismaaciil Cabdow, burcad halis ah oo aad loo doon doonayay oo Turkiga lagu xidhay
Xafiiska dacwad-oogaha dalka Sweden ayaa shalay oo Jimco ah sheegay in xabsiga loo taxaabay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha burcadda ah ee sida aadka ah looga baadi-goobayo dalka Sweden Ismaaciil Cabdow.
Ninkan u dhashay Turkiga balse dhalashada Sweden heysta ayaa lagu heystaa liis ballaaran oo ku saabsan eedeymaha la xiriira daroogada ee isaga ka dhanka ah sida uu sheegay booliska caalamiga ah, Interpol.
Ninkan 35-jirkan oo lagu naaneeso The Strawberry, waa hoggaamiye caan ah oo ka tirsan kooxda dambiyada Rumba ee dalka Sweden.
Waxaa lagu eedeeyay in uu soo abaabulay howlgallo sharci darro ah oo dibadda laga soo qorsheeyay, waxaana tan iyo sannadkii hore uu ahaa mowduuca digniinta cas ee Interpol.
Booliiska Sweden ma aysan aqoonsanin, balse waxay xaqiijiyeen in la xiray nin “looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa ka ganacsiga maandooriyaha iyo kicinta dambiyada halista ah” sannado badan gudaha Sweden.
Waxa uu ka mid ahaa 19 qof oo lagu soo qabtay hawlgalo ka dhacay dalka Turkiga, halkaas oo ay ciidamadu ku qabteen in ka badan hal tan oo daroogo ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda ee TRT.
Ilaa iyo hadda lama shaacin halka uu ka dhacay weerarka.
Amarka lagu soo xirayo 21 qof oo kale ayaa la sheegay in 14 ka mid ah la rumeysan yahay in ay ku maqan yihiin dalka dibadiisa, saddexna ay horey ugu xirnaayeen eedeymo kale. Afar ayaa weli baxsad ah, TRT ayaa intaa raacisay.
Maamulka Turkiga ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen hanti qiimaheedu dhan yahay 1.5bn oo lacagta Turkiga ah (£27.8m; $38m), oo ay ku jiraan 20 baabuur, akoonno bangi iyo 51 hanti ma guurto ah.
Rabshadaha gaangiska ee Sweden ayaa sii kordhayay sanadihii ugu dambeeyay, sababta oo ah Abdo saaxiibkiis hore, Rawa Majida, waa hoggaamiyaha kooxda ka soo horjeedda, ee Foxtrot.