Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa bogaadiyay tallaabada ay Xukuumaddu ku dhinta qiimaha laydhka magaalada Berbera.
Axmed Muumin Seed ayaa tilmaamay in hadda loo baahan yahay in xukuumaddu xakamayso Korontada magaalada Boorama oo uu qiray inay tahay meelaha ugu laydhka qaalisan.
Qoraal koobaan uu arrintaasi kaga hadlayo oo uu ku baahiyay degalkiisa Facebook auaa u dhignaa sida tan:-
KORONTADA BOORAMA WAXA LA GAADHAY WAQTIGII AY XUKUUMADU XAKAMAYN LAHAYD
Tallaabada ay wasaarada Macdanta iyo Tamartu ku dhintay qiimahii laydhka ee Berbera waa mid muujinaysa dawladnimo iyo danayn bulsho.
Waa talaabo ka marag kacaysa la xisaabtan kadib maalgalintii la siiyay shirkadaha laydhka ee Berbera.
Si la mid ah sidan waxa loo baahan yahay maalgalin ka dib in laydhka Boorama ay xukuumadu qiimahiisa dhinto.
Sababta oo ah Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu laydh qaalisan dalka oo dhan ($0.73), waqti baahida ka dhalatay isbedelka cumiladu ay qof kasta ku qasbayso isticmaalka koronto badan.
Hadaba hadii ay korontadii noqotay qayb nolosha ka mid ah waxa muhiim ah in loo tudho dadka danyarta ah ee nolol maalmeedka la tacaalaya, kuwaas oo bixinta biilka korontadu ku yahay maanta dhabar jab.
Sidaas aawadeed waxa aan xukuumada gaar ahaan Wasaarada Macdanta iyo Tamarta ugu baaqayaa in ay dib u eegto qiimaha laydhka ee Boorama oo ay soo saarto digreeto ay ku xakamaynayso, kuna dhaqan galinayo qiime macquul ah oo ganacsatada iyo dadka rayidka ahba aan wax yeelayn, qiimahaas oo ah mid jaban, la awoodo, isla markaana suurto galinaya in dadku isticmaalaan korontada ay u baahan yihiin iyaga oo aan ka walwalayn sidii ay u bixin lahaayeen.
Sidoo kalena ganacsatada u suura galinaya inay bixiyaan adeeg koronto oo tayo leh iyaga oo aan ka walwalayn hoos u dhac iyo qasaare ku yimaad ganacsigooga”.