Qaza: WHO oo cambaareysay dilalka ka dhaca albaabka xarunta gargaarka ee Maraykanku taageero
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa cambaareysay dilalka micno la’aanta ee ka dhacaya aagga xarrunta gargaarka ee muranka badan uu ka dhashay ee uu taageero Maraykanka ee Qaza oo ay tahay sida ay sheegtay in la joojiyo. Waxa ay hay’addu intaa ku dartay sii badashada kororka saa’idka ah ee dhaawacyada la keenayo adeegyada caafimaadka.
Cisbitaalka Nasser ee Koonfurta Qaza ayaa noqotay goobta walaaca badan uu ka dhashay ee lagu daweynayo dhibanayaasha.
Wakiilka WHO Rik Peeperkorn ayaa sheegay kuwa dhaawacmay ay u badnayeen wiilal yaryar iyo rag dhalinyaro ah oo u tagay xarunta gargaarka bini’aadanimo ee Qaza si ay cunto u helaan.
Qaar badan oo ka mid ah ayaa laga dhaawacay madaxa, dhuunta iyo xabadka, waxaana ay noqon karaan kuwo si abid u naafooba.