“Maantana dabkii wax way jiraane waa meel ALLE aanku mahadino”Wasiiru dawlaha Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL.

Wasiiru dawlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Somaliland Cabdirashiid Maxamed Axemd Magaalo oo saaka la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan Buurta Daallo ee maalmihi u dambeeyey dabku ka socday ayaa sheegay in marka loo eego labadii maalmoo ee la soo dhaafay dabku maanta sahlan yahay.

Wasiir magaalo ayaa waxa uu sheegay in maanta melaha dabku ka baxayaa ay aad u kooban tahay islamarkaana Ciidamada damdamiska iyo samtabixinta Somaliland, ciidamada kala duwan ee qaranka, iyo shacabku ay tan iyo markii u dabku bilaabmay maalinimadii isniintii ay halgan ugu jiraan sidii ay dabka u soo afjari lahaayeen.

“Maanta iyo shalay aad ayey u kala duwan tahay ALLE ayaa inagu simay, waad ogaydeen intiinii joogtay, shalay marba meel ayaa lagu cararyey maantana dabkii wax way jiraane waa meel ALLE aanku mahadino” wasiiru dawlaha arimaha wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker