Trump iyo Netanyahu oo kulmaya toddobaadka dambe
Madaxda Mareykanka waxay sheegeen in madaxweyne Donald Trump uu doonayo in uu ku martigeliyo raysalwasaaraha Isreal aqalka cad 7-da Bishan July. Kulanka ayaa ku soo aadaya kaddib markii Trump u uku baaqay xabadjoojin dhexmarta Israel iyo Xamas lana soo daayo la haystayaasha weli gacanta Xamaas ku jira.
Afhayeenka Trump, Caroline Levitt waxay shir jaraa’id ugu sheegtay wariyayaasha in Ron Dermer oo la taliye sare u ah Benjamin Netanyahu in uu jooga Washington toddobaadkan si uu ula kulmo saraakiil ka tirsan Aqalka Cad.
Sarkaal ka tirsan dowladda Isreal oo ku sugan Washington isna waxa uu xaqiijiyay in kulanka Trump iyo Netanyahu uu dhacayo Isniinta soo socota isagoo sheegay in la filayo in ay ka wadahadlaan arrimo la xiriira, Iran, Gaza, Syria iyo caqabadaha kale ee gobolka.
Mareykanka si joogto ah ayey ula xiriiraan dowladda Isreal, Trump wuxuu doonayaa in dagaalka Gaza la soo afjaro lana soo celiyo la haystayaasha gacanta Xamaas ku jira.
Sidoo kale waxay dowladda Mareykanka sheegtay in muuqaalada ka imaanaya Gaza ay yihiin kuwa murugo leh balse maamulka Trump uu mudnaanta koowaad siinayo sidii lagu sii deyn lahaa inta ka hartay la haystayaasha maqan.