Suuqa ugu weyn Garissa oo uu dab qabsaday
Suuqa ugu weyn magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Suuq Mugdi ayaa waxaa qabsaday dab, kaas oo waxyeello geystay.
Bilow Bashiir Cabdow oo ah guddoomiyaha guddiga ganacsatada Garissa ayaa sheegay in gubashada suuqa ay bilaabatay aroor hore saakay.
“Waxaan u imid suuqa oo badi gubtay, markaas baan dadaal galnay dab-damiskii ayaa yimid gurmad ayaana la bilaabay.” Ayuu yiri.
Ma aha markii ugu horreysay ee suuqan uu gubto, arrimo kala duwan ayaana sababayay gubashadiisa.
Bilow ayaa sheegay in xaaladda ay maanta ka roon tahay sidii hore oo suuqu uusan wada guban, kadib markii gurmad fiican la helay.