Eretria oo 50,000 oo askari u tababareysa dalka Suudaan

Waddamo badan oo dariska ah ayaa ku lug leh dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, waxaana taliyaha ciidamada Waqooyiga Suudaan, Maxamed A’Jakumi uu sheegay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu u ballan qaaday in dalkiisa uu gacan ka geysan doono tababaridda ciidamada.

Waxa uu u sheegay wargays ka soo baxa Sudan, A’Sudani, 27-kii June in madaxwaynuhu u ballan qaaday Eritrea inay ku taageerto isaga oo siin doona tababar ciidan oo la siinayo ilaa 50,000 oo dagaalyahano ah si ay dalka uga difaacaan khatarta xoogagga Gurmadka dedgdegga ah .

Ciidamada Sudan iyo xoogagga Gurmnadka degdega aha ayaa la sheegay inay ku tiirsan yihiin kaalmada milateri ee shisheeye.

Ciidamada Suudaan ayaa la rumeysan yahay inay kaalmo ka helaan Masar, Ruushka, Iiraan, Turkiga iyo Eritrea. Gurmadka Degdegga ah (RSF) waxa ay gargaarka inta badan ka helaan Imaaraadka, Chad, Koonfurta Suudaan iyo Kenya.

Ciidanka Suudaan ayaa la sheegay in ay si toos ah Masar uga helaan gargaar milateri, hub iyo tababar. Bishii Oktoobar 2024, hogaamiyaha ciidamada RSF , General Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Iran taageerada ay siiyaan ciidamada Sudan.

Ciidamada Suudaan ayaa sidoo kale sahay milateri ka helay Ruushka oo ay ku jiraan diyaarado dagaal. Saraakiisha Suudaan ayaa dhowr jeer booqday Moscow tan iyo 2024-kii si ay ugala hadlaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wadal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker