Munaasabadda lagu Kala Saxeexa Mashruuca Rajo Kaaba oo Lagu Qabtay Magalada Hargeysa.

Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasabad loogu kala saxeexday mashruuca Rajo Kaaba, oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka (World Bank), laguna horumarinayo waxbarashada iyo xirfadaha dhalinyarada Somaliland.

Munaasabaddan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yusuf, waxaana sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxamn Xusen Xirsi iyo masuuliyiin kale. Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa si gaar ah loogu bogaadiyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee uu siiyo horumarinta waxbarashada dalka.

Mashruuca Rajo Kaaba waxa uu diiradda saaraya kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada, gaar ahaan dhinacyada farsamada gacanta iyo tayeynta macalimiinta, si loo diyaariyo jiil leh xirfado la jaanqaadi kara baahida suuqa shaqada.

Waxaa mashruucan ka faa’iidaysan doona:

Dugsiyada Farsamada Gacanta ee Hargeysa iyo Burco, kuwaas oo lagu horumarin doono manhajka, qalabka waxbarashada, iyo tababarada farsamada ee la siinayo ardayda.

Xarumaha Tababarka Macalimiinta, gaar ahaan Dugsiga Tababarka Macalimiinta ee Hargeysa, halkaas oo lagu tayeyn doono macalimiinta si kor loogu qaado heerka waxbarasho ee dalka.

Mashruuca Rajo Kaaba waxa uu fursad muhiim ah u yahay dhalinyarada Somaliland, isaga oo lagu horumarinayo xirfadohooda waxbarasho iyo shaqo, loogana golleeyahay in uu gacan ka geysto yareynta shaqo la’aanta iyo kor u qaadista tayada waxbarashada dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker