Turkiga oo sheegay in Iran iyo Mareykanka ay tahay inay heshiis gaadhaan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay in baahi loo qabo in Iran iyo Mareykanka ay gaaraan heshiis lagaga gudbayo khilaafka u dhaxeeya ee salka ku haya sameysashada Iran ee nuclear-ka.
Wada hadalada labada dal ay ka lahaayeen barnaamijka nuclear-ka ee Iran ayaa istaagay, ka dib weerarkii Israel ay 13-kii bishan ku beegsatay goobaha nuclear-ka iyo xarumaha militariga ee dalkaasi, tallaabadaas militari oo soo dedejisay in dagaal aan lagu talagelin uu ka dhex qarxo Iran iyo Israel.
Israel ayaa weerarkaasi qaadday 48 saac ka hor, xilliga lagu waday in Washington iyo Tehran ay wareegga lixaad ee wada hadaladooda ku yeeshaan dalka Cumaan. Iran oo ka dhiidhisay weerarkaasi iyo taageerada Mareykanka ee Israel ayaa iska diiday in ay sii waddo wada hadaladii iyaga iyo Mareykanka u bilowday bishii April.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa Jimcihii sheegay in labadan dal ay tahay in uu heshiis dhex maro, maadaama labaduba ay leeyihiin sida uu yiri rabitaan ah in ay galaan wada hadal, iyadoo laga gudbayo duulaankii cirka ee sii huriyay xiisadda gobolka iyo khilaafka dalalkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in maslaxada Bariga Dhexe ay ku jirto in aanu ka dhicin isku dhacyo hor leh, kuwii horey uga jirayna la soo afjaro.
Wasiirka ayaa muujiyay in dagaalka Iran iyo Israel uu la xiriiro dagaalka Gaza, weerarka Israel ee dalkaasina uu Iran ku riixay in ay si sharci ah isku difaacdo.
Mr. Fidan ayaa tilmaamay in hadda ay jirto xabad joojin jilicsan oo u dhaxeyso Israel iyo Iran, isaga oo sheegay in xilli kasta ay burburi karto, haddii aanan laga shaqeyn, sidii ay ku sii jiri lahayd.
“Dhab ahaantii gobolka wuxuu u baahan yahay inuu ka feejignaado suurtagalnimada in xabad joojinta la jebiyo oo weerarada labada dhinac ay dib u soo laabtaan.” Ayuu yiri Wasiir Fidan.
Fidan ayaa ku waramaya si loo xoojiyo xabad joojinta Iran iyo Israel in ay lagama maarmaan tahay inay heshiis gaaraan Mareykanka iyo Iran.
“Sida aad ogtihiin waxaa labada dal u dhaxeeya masaafo ka badan 1,000km, mana jirto wax xuduud ah oo ay leeyihiin. Sidaasi darteed waa dagaal xuduudo ka soo gudbaya oo dalal kala duwan ay ku lug yeelanayaan. Hadda waxaa jira muddo aamusnaan ah/xabad joojin, laakiin si taasi u noqoto mid joogto ah, waxaa lagama maarmaan ah in heshiis uu dhex maro Iran iyo Mareykanka.” Ayuu yiri Fidan.
Fidan ayaa sheegay in Ankara ay gacan ka gaysaneyso kala aragti duwanaanshaha Mareykanka iyo Iran, iyadoo Mareykanka uu ku andacoonayo in ay tahay in laga hortago in Iran ay yeelato hub nuclear ah, halka Iran ay iyana ku adkeysanayso in barnaamijkeeda uu ku saabsan yahay tamarta nuclear-ka oo keliya.
“Turkiga ayaa soo bandhigay hindise gacan ka gaysanaya in la soo afjaro khilaafka. Arrinta ugu weyn ayaa weli ah in Mareykanku uu doonayo in aysan tayaynin barmaamijkeeda, halka Iran ay ku andacooneyso inay xaq u leedahay inay yeelato tamarta nuclear-ka.” Ayuu yiri Fidan.
Turkiga oo ah mid ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe ayaa si dhow ula socda is bedelada ka jira gobolka.