𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐝𝐚𝐫

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar, kaddib markii uu Marti-qaad rasmi ah ka heley Dawladda Dalka Qatar. Safarka Madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo dhawr cisho ah, Idamka Allah.

Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne ka socda Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay ku safreen Diyaarad khaas ah.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff-ka).

Muddada ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku sugan yihiin magaalada Dooxa, Caasimadda dalka Qatar, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, iyaga oo ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dhinac; gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Booqashada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tagay dalka Qatar waxa ay ka turjumayaa sida ay Madaxweynaha Somaliland uga go’an tahay dardargelinta iyo tayeynta Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka firfircoon ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker