Trump oo ku baaqay in shaqada laga eryo weriyaashii tebiyay xogtii sirdoonka ee la dusiyay

Warbixin sirdoon oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) oo lagu sheegay in xarumaha Nukliyeerka Iran aysan waxyeeleyn weerarrada Mareykanka, ayaa weli waxaa waxaa weli si xooggan u beeninaya hay’adaha maamulka Trump.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in suxufiyiinta uu ku sheegay “wariyeyaasha wararka been abuurka ah” ay tahay in si degdeg ah shaqada looga eryo gaar ahaan kuwa warbaahinta Mareykanka ka howl gala ee CNN iyo New York Times.

Trump ayaa weriyayaashan ku tilmaamay “dad xun oo ujeeddooyin xun leh.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay warbaahinta soo tebisay warbixintan inaysan si buuxda u taageerin Trump

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker