Qorshihii Nukliyeerka Iran, ma u dhammaatay mise weli waxbaa ka nool?

Goobta Fordo waxay u badan tahay inay tahay meesha ugu badan ee sirdoonka caalamku isha ku hayaan.

Sirdoonka reer Galbeedka ayaa markii ugu horreysay shaaciyay 2009 in halkaas ay ku taallo xarun sir ah oo nukliyeer ah. Hadda, fahamka khasaarihii weerarrada Mareykanku gaystay ayaa noqon doona mid muhiim u ah in la go’aamiyo jihada ay hawshaasi u socoto.

Warbixin sir ah oo laga helay Hay’adda Sirdoonka Difaaca ee Mareykanka (DIA) ayaa tilmaantay in qaybaha asaasiga ah ee barnaamijka nukliyeerka ee Iran aan la burburin, islamarkaana weerarradu ay dib u riixeen dadaallada Iran kaliya bilo, balse aysan dib u dhigin sanado.

Arrintan ayaa se loo arkaa weli in ay qiimayn hordhac ah ama xog hore oo aan wali si dhab ah loo hubin, maadaama goobtaasi ay tahay goob aad looga ilaaliyo indhaha cid kasta.

DIA waa hay’adda Pentagon-ka u qaabilsan sirdoonka milatari ee taageera hawlgallada. Waxay ururisaa xog badan oo farsamo, balse waa ka duwan tahay hay’adaha kale sida CIA.

“Tirakoobka dhabta ah ee khasaareynta wuxuu qaadan doonaa waqti,” ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidammada Mareykanka, General Dan Caine, markay weerarradu dhaceen. Laakiin maxay ka dhigan tahay in la burburiyo barnaamijka nukliyeerka ama la dhaawaco, sideese loo ogaan karaa?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker