Gabadh walaalkeed kaga adkaatay doorashadii gudaha ee Maraykanka
LaVon Bracy Davis ayaa ka adkaatay walaalkeed, Randolph Bracy, iyada oo noqotay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee u tartamaya kursiga aqalka sare ee gobolka Florida.
LaVon Bracy Davis waxay heshay 42% codadkii la dhiibtay, halka walaalkeed uu noqday kan ugu dambeeyay afarta musharax isagoo helay kaliya 12%.
Hooyada labada musharax, Lavon Wright Bracy, ayaa si muuqata u muujisay dhinaca ay la safan tahay – iyadoo ahayd maamulaha ololaha doorashada ee gabadheeda, sida ku cad boggeeda Instagram.
LaVon Bracy Davis waxaa la filayaa inay ku guuleysato doorashada guud ee bisha Sebtembar, maadaama deegaanka ay u tartamayso uu yahay mid si weyn u taageera Dimuqraadiyiinta. Mid ka mid ah saaxiibada dhow ee qoyska, Geraldine Thompson oo ahayd halgamaa u doodda xuquuqda madaniga, ayaa haysay kursigan ilaa ay ka geeriyootay horraantii sannadkan.
Hooyadooda, Ms Bracy, ayaa ahayd qofka u istaagay marqaatiyeynta arooska Geraldine Thompson (maid of honour).
Qoyska Thompson sidoo kale waxay taageereen LaVon Bracy Davis, iyaga oo si rasmi ah u taageeray musharaxnimadeeda doorashadii Talaadadii.
Boggeeda ololaha doorashada, Ms Bracy Davis waxay isku tilmaantaa inay “haysato tooshkii caddaaladda, horumarka iyo adeegga” ee ay ka dhaxashay Geraldine Thompson.
Dhanka kale, walaalkeed Randolph Bracy, boggiisa ololaha wuxuu ku xusayaa dhaxalka qoyska ee ku saabsan adeegga gobolka bartamaha Florida muddo ka badan 30 sano, balse wuxuu xusay kaliya aabihiis, isagoo aanan xusin hooyadiis