Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka UĶ, ayaa sheegay in la joogo xiligii caalamku u soo noqon lahaa xaqiiqda oo ay aqoonsan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraal uu maanta soo saaray Xildhibaan Gavin Williamson oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayuu ku sheegay in munaasibada 26-June ay ku beegan tahay 65-guuradii ka soo wareegtay markii uu Ingiriisku xornimada siiyey Somaliland sannadkii 1960-kii, taasoo ah dhacdo taariikhi ah oo maanta si weyn uga muuqata Geeska Afrika.

Xildhibaankan ayaa xusay in dharaartani ay xasuusinayso dawladda UK xidhiidhka joogtada ah ee ay la wadaagto Somaliland, kaas oo ah xidhiidh ku dhisan qiyam iyo taariikh wadaag.

Xildhibaan Gavin Williamson waxa uu bayaamiyey in Tan iyo markii ay Somaliland si geesinimo leh ula soo noqotay madax bannaanideeda 1991-kii, ay taabo gelisay nabadgalyo, hannaan dawladeed oo xoogan, iyo doorashooyin dimuquraadi ah isla markaana ay u qalanto aqoonsi caalami ah.

Williamson ayaa gabo gabadii qoraalkiisan ku caddeeyay inuu taageersan yahay xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsiga, waxaa kale oo uu ugu baaqay dawladda UK inay ixtiraamto xidhiidhka taariikhiga ah ee labada ummadood ka dhexeeya iyo doonista shacabka Somaliland ee xaqiijinta masiirkooda.l

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker