Mareykanka oo faahfaahin ka bixiyay qaabkuu u dhacay weerarkii Niyukleerka Iran
Pentagon-ka ayaa si aan caadi ahayn u sharraxay weerarradii B-2 ee xarunta niyukleerka Fordo, waxayna soo bandhigtay sawirro kala duwan oo ku saabsan goobta weerarku ka dhacay.
Waxay beegsadeen laba goobood oo kala duwan oo ah xarumaha Niyukleerka Iran.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ku tilmaamay weeraradii uu Mareykanka ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran dhamaadka todobaad la gaaray “guul taariikhi ah”
Caine ayaa sheegay in dhammaan hubkii Mareykanka ee ku dhuftay goobta Nukliyeerka ee Fordo uu gaaray bartilmaameedkii loogu talagalay oo uu qarxay.
Waxaa jirta su’aal ku saabsan in Yuranium-ka aadka loo tayeeyay laga raray goobaha Nukliyeerka ee Fordo ka hor inta aysan gantaallada Mareykanka ku garaacin xarunta Iran.