Iran oo shaacisay geerida mid ka mid ah taliyayaashii ugu muhiimsanaa dalkeeda

Waaxda xiriirka dadweynaha ee ilaalada kacaanka Iran ee IRGC gaara haan garabka Quds Force ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay in Janaraal Mohammad Saeed Izadi, oo loo yaqaanay “Xaj Ramadaan” lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ku qaaday Iran.

Wuxuu ahaa taliye sare oo mas’uul ka ahaa “Qeybta Falastiin” ee Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka.

Maalinta Sabtida ayaa aaskiisa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Tehran, iyadoo ay weheliyaan taliyayaal kale oo militari oo la dilay.

Golaha warfaafinta ee dowladda Iran ayaa soo saaray baaq dadweyne oo ku aadan in si ballaaran looga soo qeyb galo aaska taliyayaashii la dilay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xafladda Sabtida kadib, Mohammad Saeed Izadi lagu aasi doono magaaladii uu ku dhashay ee Sonqor, Kermanshah, ka dibna loo gudbin doono Qom si loogu aaso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker