Su’aalo ka soo laabtay weerarkii uu Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran
Pentagon-ka Mareykanka ayaa been abuur ku tilmaamay warar ay faafiyeen warbaahinta Mareykanka, kuwaas oo sheegayay in duqeynta xarumaha Nukliyeerka ee Iran aysan burburin qeybaha ugu muhiimsan ee barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaasi.
Dhowr warbaahin ayaa soo xigtay qiimeyn horudhac ah oo lagu sameeyay Hay’adda Sirdoonka Difaaca Mareykanka.
Balse bayaan ka soo baxay Pentagon-ka ayaa ku adkaystay in awooddii Iran ee samaynta hubka nukliyeerka si buuxda loo burburiyay.
Kulan uu yeeshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa safiirka Israa’iil (Danny Danon) ka sheegay in ay xili hore tahay in la qiimeeyo weerarrada balse waxa uu sheegay in ay meesha ka saareen khatar ku soo fool leh.