Baarlamaanka Iran oo u codeeyay in la joojiyo wada shaqayntii Hay’adda Atoomikada ee Qaramada Midoobay

Baarlamaanka dalka Iran ayaa u codeeyay in la hakiyo wada shaqeyntii ay la lahaayeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in hay’adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka (IAEA), ay diiday inay cambaareyso weerarada Israel iyo Mareykanka ay ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka ee Iran, waxa uuna sheegay in ay hoos u dhigtay ku kalsoonaanteeda.

Ghalibaf ayaa sheegay, in maamulka Nukliyeerka Iran ay joojin doonaan wadashaqeynta ay la leedahay IAEA ilaa inta laga xaqiijinayo ammaanka xarumaha Nukliyeerka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Barnaamijka Nuclear-ka ee Iran uu ku socon doono xawli dheereeya.

In kasta oo codbixintu ay astaan ​​u tahay, haddana tallaabadan ayaa u baahan in ay ansixiyaan dadyoow sarsare oo ka tirsan dawladda Iran, mana aha siyaasad rasmi ah sida ay haatan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker