Wax ka ogow sidii uu Maraykanku ugu beenguuray Iran markii uu weerarayey
Duullimaad 18-saac ah oo dhinac walba ah, isla mar ahaantaana dhawrjeer lagu shidaaliyey hawada sare, iyo taxane beenguur marin-habaabin ah ayuu ka koobnaa howlgalkii lagu weeraray xarumaha nukliyeerka ee Iran, sida uu sheegay Janaraal Dan Caine, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka, sidoo kalena ah sarkaalka ugu sarreeya ciidammada qalabka sida ee Mareykanka.
Inkasta oo saameynta buuxda ee hawlgalkan Mareykanku ugu yeedhay ‘Hawlgalka Dubbihii Habeennimo’ aan weli la ogaan, haddana qaabkii iyo habkii uu u dhacay ayaa lagu faahfaahiyey shir jaraa’id oo ay Wasaaradda Difaaca Mareykanka qabatay subaxnimadii Axadda, dhowr saacadood un kadib weerarradaas.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa hawlgalkaas u baxay, soona laabtay, iyagoo aan dunidu dareemin gebi ahaanba, sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth.
Wax walba waxay bilawdeen wax yar kadib saqdii dhexe markii Wasiirka Difaaca Hegseth ay meel isugu tageen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Madaxweyne ku xigeenka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Pentagon-ka, kuwaas oo ku sugnaa Qolka Xaaladaha Degdegga ah ee Aqalka Cad si ay ula socdaan markii diyaarado dagaal ay ka duuleen saldhig ciidan oo ku yaalla baadiyaha gobolka Missouri.
Iyagoo ka faa’iideysanaya mugdiga habeenkii, diyaaradaha qarsoon ee B-2 stealth ayaa ka kacay saldhigga ciidamada cirka ee Whiteman saacadda markay ahayd 00:01 EDT (05:01 BST), sida uu sheegay Pentagon-ka.
Bartilmaameedkooda ugu dambeeya ayaana ahaa: goobaha nukliyeerka ee ugu ilaalada badan Iran.
Diyaaradahaas aan ka dheereyn xawaaraha codka, ayaa dul maray Badweynta Atlantik iyaga oo uu ku raran yahay hubka culus ee loo yaqaan “bunker buster” – bambooyin awood u leh inay ka dhex dusaan shubka ilaa 18 mitir (60 fuudh) oo dhumuc ah.