Nuxurka Qodobada lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Fadhigii 24-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Ajendaha lagaga wada hadlay Fadhigii 24-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada, marka laga reebo Warbixinta Amniga iyo Dhaqaalaha Dalka, waxa uu gebi ahaanba ka koobnaa Doodda iyo Ansixinta Saddex Xeer oo muhiim u ah hab-sami-u-socodka hawlaha Qaranka.

* Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in amniga iyo xasilloonida dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ahi.

* Warbixinta Arrimaha Maaliyadda, Dakhliga iyo Dhaqaalaha Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi isaga oo Golaha la wadaagay warbixino muhiim ah oo la xidhiidha Sal-ballaadhinta, Xaaladda Dakhliga, Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka iyo Dib-u-qiimaynta Isticmaalka iyo Fulinta Mashaariicda Baanka Adduunka.

Warbixinta Amniga iyo Dhaqaalaha kaddib, waxa la guda-galay Doodda iyo Ansixinta Xeerarka:

1. Xeerka Maamulka Korontada Jamhuuriyadda Somaliland,
2. Xeerka Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland,
3. Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland,

Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada faray in saddexda Xeer ee horyaalla ay ka doodaan, wax-ka-beddel iyo kaabisna ku sameeyaan, dabadeedna cod gacan taag ah ku ansixiyaan.

Golaha Wasiirradu waxa ay dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen Xeerarka saddexda ah, iyada oo uu Garyaqaankii Guud ee hore ee Xukuumadda iyo Wasiirrada ay 3-da Xeer khuseeyaan ay faah-faahin iyo tafaasiil ka bixiyeen Xeerarka Golaha hor yaalay.

Intaa kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada faray in mid mid ugu codeeyaan Xeerarka. Xubnaha Golaha Wasiirrada ee fadhigii 24-aad ka soo qayb galay waxa ay ahaayeen 34 Xubnood. Golaha Wasiirradu waxa ay saddexda Xeerba ugu codeeyeen si aan loo kala hadhin, iyada oo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay saddexda Xeerba.

Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in Xeerarka loo gudbin doono Golaha Wakiillada si ay uga gutaan waajibaadkooda sharci.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker