Khasaaraha ka dhashay gantaallada ay Iran ku weerartay Israa‘iil
Magen David Adom, adeegga gurmadka deg degga ah ee Israa’iil, ayaa hadda ka warbixiyey saamaynta ka dhalatay duqaymaha Iran ay goor sii horreysay ka geysatay gudaha Israa’iil.
Waxa ay sheegeen in 4 qof la xaqiijiyay inay dhinteen, 22 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas gantaallada ee Iraan.
Dadka uu soo gaaray dhaawacyada, ayaa laba ka mid ah xaaladoodu dhexdhexaad tahay, halka 20 ka mid ah uu soo gaaray dhaawacyo fudud.
Warbaahinta dowladda Iran ee SNN ayaa ku warantay in Iran ay “wareeggii ugu dambeeyay ee gantaallada” ku ridday Israa’iil ka hor inta uusan dhaqan gelin xabbad joojinta.