Israa’iil oo sheegtay in Iran ay weli sii wado duqeymaha
Warar hor leh ayaa goor dhow naga soo gaaray ciidamada difaaca Israa’iil, kuwaas oo sheegaya in Iran ay dhowr gantaal oo kale ku soo ridday Israa’iil.
Wararka ayaa sheegaya in nidaamyada difaaca ee Israa’iil ay ku hawlan yihiin inay ka hortagaan gantaallada, isla markaana ay dadweynaha ay ku gabadaan goobo lagu ilaalin karo badqabkooda ilaa amar dambe.
Iyada oo uu isa soo tarayo wararka ku saabsan xabbad-joojin suurtagal ah, dadka ku nool guud ahaan Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee manta ku soo toosay dhawaaqyada seeriga digniinta gantaallada ee talefannada, iyaga oo uga digaya dadweynaha in ay aadaan meelo gabaad ah.
Digniino dhowr ah ayaa si degdeg ah loo soo saaray, iyadoo gantaallo lagu garaacay Israa’iil oo laga soo riday Iran.
Dhawaaqyo ayaa laga maqlay Qudus sheegay in ay maqleen qaraxyo. Wariyaasha BBC-da ayaa sidoo kale soo tebiyay qaraxyo laga maqlay meelo kale. Waxaa si toos ah loo duqeeyay magaalada Beersheba ee koonfurta Israa’iil, iyadoo dhaqaatiirta caafimaadka ay deg deg ugu ordeen goobta.
Sida aan hore u soo tebinnay, hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Israa’iil, Magen David Adom (MDA) ayaa sheegtay in saddex dhimasho ah la xaqiijiyay – qof dumar ah iyo laba nin o kala jira da’ada 40 iyo 20-sano jir.
Seeriga digniinta ayaa tan iyo markaas mar kale laga maqlayay waqooyiga Israa’iil.