𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta (24.06.2025) xadhiga ka jaray Saldhigga dhexe ee Booliska Caasimadda Hargeysa oo dib-u-habayn iyo dib-u-dhisba lagu sameeyay, waxana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hoggaanka ciidanka Booliska, iyo marti sharaf kale oo ka socotay qaybaha bulshada.

Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, oo ah saldhig caan ah oo astaan ​​taariikhi ah u ah nidaamka iyo kala dambaynta caasimadda, ayaa waxa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo dib-u-dhis casri ah oo dhan walba leh.

Waxa xusid mudan in hal-abuurka, naqshadaynta iyo fulinta hawlaha dib-u-habaynta Saldhigga Dhexe ee Hargeysa ay gebi ahaanba hirgaliyeen hoggaanka dhismaha iyo injineerrada Ciidanka Booliska JSL; taasina waxa ay ka turjumaysa sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad casriyaynta iyo dhisidda kalsoonida qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda xadhig ka jarka Saldhigga Dhexe ayaa ku ammaanay hoggaanka Ciidanka Booliska shaqada wacan ee ay soo ban-dhigeen, isaga oo sheegay muhiimadda ay Qaranka u leedahay Ciidanka Boolis oo si fiican u qalabaysan in ay lagama maarmaan u tahay nabadgelyada guud iyo xasilloonida dalkeena.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker