Xisbiga KAAH Oo Madaxweyne Cirro ugu baaqay in uu Xukuumaddiisa kusoo kordhiyo Hay’ad ku cusub Hanaanka Dawladeed ee Somaliland.
Qoraalkan oo uu qoray Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali Geelle, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kaah.
Talo-soo-jeedin ku Socota Madaxweynah JSL Somaliland. oo ku saabsan
Dhismaha Hay’adda Tirakoob Qaranka oo Madax-Bannaan,Xaaladda Somaliland iyo Fursadaha Qarsoon.
Madaxweynaha, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa talo-soo-jeedin ku saabsan dhismaha,baahida iyo muhiimada ay u leedahay Somaliland dhismaha iyo aas-aaska Hay’adda Tirakoobka Qaranka oo madax-bannaan, iyadoo laga duulayo tusaalayaal caalami iyo ku dayasho fiican oo la xidhiidha dhismaha hay,addan oo ay hormuud u yihiin wadamada sida Ghana, Rwanda, iyo Ethiopia oo ka gaadhay natiijooyin fiican dhismaha Ha,ayadahooda tirakoobka qaran.
Madaxweyne,Somaliland waa dal leh yool,ujeeddooyin iyo geeddi-socod siyaasadeed oo ah horumar dhaqaale,siyaasadeed iyo bulsho sidaas oo ay tahay, horumarku wuxuu u baahan yahay sal adag oo lagu cabbiri karo una sahla dowladda, xisbiyada mucaaridka ah, bulshada rayidka, iyo beesha caalamka in ay helaan xog sugan oo rasmi ah si loogu saleeyo tiirarka horumarka qaranka.
Ilaa hadda xogta laga heli karo hay’adaha dowladda badankooda waxa ay u badan tahay mid aan dhameystirnayn, oo aan joogto ahayn, isla markaana aan laga heli karin hal xarun oo dhexe oo qaranku leeyahay, xafiiska qudha ee jiraana waa Waaxda tira koobka oo hada ah Waax ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, taas oo hoos u dhigi kara kalsoonida,isku halaynta iyo madax-bannaanida xogtaas.
Waxaa kale oo jirta,hay’ado badan oo dawladeed oo mid kasta si gaar ah u leeyahay Xafiis u eeg kan waaxda tira-koobka oo la wadaaga daneeyayaasha xogo kale duwan sida, wasaaradaha Waxbarashadda,Caafimaad iyo Shaqo-gelinta iwm.
tusaale hadii aan maanta u baahnay tirada caruurta laxaadkoodu dhiman yahay ee ku jira waxbarashada aas-aasiga ah waxaa laga yaaba in saddexdaa wasaaradood oo leh wadaagayaal shaqo uu mid kastaa gaarkiisa u hayo tiro u gaar ah,taasina waxay keenta is burin xogeed oo dhalin kara qorshayaal khaldan,oo ay ku shaqeeyaan dhinacyada Xukumadda,Ha,ayadaha ina ciwaaya iyo xitaa cilmi baadhayaasha.
Sidaas oo ay tahay Madaxweyne, Somaliland waxay leedahay oo ay haysataa aqoon-yahanno iyo khubaro badan oo aqoon u leh shaqada Xafiiska tirakoobka ee qaranka hadii la hirgaliyo,kuwaas oo heli kara kaalmooyin ka yimaada gudaha iyo dibadaba oo ah mid aqooneed iyo dhaqaale ee ay Ha,ayaddani ku dhaqaaqi lahayd, fursadaha dibada ee la haysto waxaa ka mid ah qaadhan-bixiyeyaasha caalamiga ah sida UNFPA,Midawga yurub iyo World Bank oo ay ku jirto fursad ay diyaar ugu yihiin in ay taageeraan dhismaha hay’ada tirakoobka oo madax-bannaan,xukuumaddaaduna waxay ka heli kartaa sumcad siyaasadeed iyo kalsooni caalami ah haddii ay qaaddo tallaabadan muhiimka ah ee lagu dhisaayo xafiiskan00 oo dunida u leh muhiimad gaar ah.
Mudane Madaxweyne, si loo dhiso xafiiskan waxaan u baahanay.
• In la diyaaro sharci gaar ah (Statistics Act) oo xaqiijiya madax-bannaanida hay’adda, iyadoo agaasimaheedu si toos ah u soo magacaabayo Madaxweynaha Somaliland, Ansixinayaana Golaha Wakiilada Iyada oo warbaxin siin doonta Madaxwaynaha, Golaha wasiirad,xafiisyada Dawlada ee madaxa banana iyo Golaha baarlamaanka,daabacina kara xili go,an tira-koobyada qaranka.
• In hay’addani noqoto xarun laga helo xogta dhammaan qeybaha dowladda si looga hortago xog kala firdhisan ee imika jira.
• La dejiyo qorshe balaadhan oo ah National Strategy Plan oo hagaya tirakoobka dadweynaha, dhaqaalaha, deegaanka, waxbarashada, caafimaadka, shaqada, iwm.
• In la sameeyo siyaasada daah-furnaanta xogta qaranka iyo xogta tirakoobka oo la doonayo in ay noqoto mid dadweynuhu si xor ah u heli karo, taasoo sare u qaadaysa isla xisaabtanka iyo qorshaynta hawlaha dawlada ee mudnaanta leh iyo Maamul wanaaga.
Madaxweyne wadamada aan kor ku soo xusay waxay u maamulaan hay,addahooda madaxa banana ee tiro koobka qaran mid kasta sidan.
• Ghana Statistical Service. Waa hay’ad madax-bannaan sharci ahaan iyo maamul ahaanba, soona saarta xog joogto ah, waxayna leedahay sumcad caalami ah iyo mid gudaha ahba.
• Rwanda NISR: Hay;adani waxay noqotay laf-dhabar qorsheynta dalka kadib dagaalkii sokeeye, iyadoo xogteedu horseedday horumarka weyn ee uu gaadhay dalka Rwanda sida laga war hayo.
• Ethiopia ESS: Sanadihii u dambeeyey ayay madax-bannaanideeda korodhay, taasoo ay suurto-gelisay tirakoob lagu kalsoon yahay, xog muhiim u ah dhaqaalaha,maamulka siyaasada iyo arimaha bulshada isla markaana leh isku halayn buuxda.
Waxaan igu danbayn lagama maarmaan ah in Somaliland ay qaaddo tallaabadan casriga ah ee ku wajahan aasaaska hay’ad tirakoob qaran oo madax-bannaan taas oo ah tallaabo aan kaliya sare u qaadayn sumcadda dowladda ee gudaha iyo dibaddaba, balse sidoo kale horseedaysa qorsheyn sax ah,iyo ka jawaabista xaaladaha deg deg ah ee qaranka markay dhacaan.
Xisbiga Kaah waxa uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cid kasta oo ku dhiirrata hirgelinta arrintan,si qaranka Somaliland uu u gaadho horumar dhab ah oo lagu cabiro karo xogo la isku halayn karo,waana Hamiga Xisbiga KAAH ee mudada fog in Qaranku noqdo mid lagu hago xog sugan iyo xeelad durugsan,talo siinta Madaxweynaha ee wanaaguna waa asalka iyo casriyaynta siyaasada Somaliland ee ah dhankaaga dheeliga ka dhawr.
Gabagabdii, “reer sahan la’aan ma guuro”, oo macnaheedu yahay in halka loo guurayo laga hayo xog dhamays tiran, geesta kale hore ayaa loo yidhi “war la helyaaba talo la hel”.