Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Iraan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay caasimada Ruushka ee Masko.
Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Iraan Mudane Cabasa Caraaji, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay caasimada Ruushka ee Masko isago halkaasi u tagay in uu wada tashi la yeesho madaxda Ruushka, gaar ahaan madaxwaynaha dalkaasi Mr Buutin.
Mr cabaas caraaji waxa uu Warbaahinta caalamka u sheegay in ay Dawlada Ruushka wadagaan xidhiidh dhinaca Difaaca iyo amniga iyadoo qaar ka mid ah madaxda Ruushka ay cadeeyeen in ay ka taakulaynayaan ciidamada kacaanka Iraan dhinaca Hubka sida uu sheegay Madaxwaynhii hore ee Ruushka Mr, Midtiiri Midiyeef kuna balan qaaday Iraan in ay jirayso Natanyaahuna la waayi doono.
Hogaamiyaha awooda badan ee Dalka Iraan Ayaatilaahi Cali Khumayni ayaa maanta ku hanjabay in ayna Iraan joojinayn Gantaalaha Cadaabta ah ee ay la beegsanayso guadaha Israiil iyado ilaa maanta Gantaalo is waydaarsanayaan Israaiil iyo Iraan.
Dhinaca kale Baarlamanka Dalka Iraan ayaa xalay ansixiyaay in ay xidhi doonaan Marin biyoodka Hoormoos ee ay marto boqolkiiba sodon shidaalka caalamku u baahan yahay.