Munaasibadda xil-wareejinta maamulka Cisbitaalka guud ee Hargaysa
Maanta waxa si rasmi ah xilkii ula kala wareegay maamulka cusub ee Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Cisbitaalka Hargaysa iyo maamulkii hore.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa u magacaabey Dr. Axmed-wel8 Daahir Xaddi, halka uu Agaasime ku xigeenkana u magacaabey Dr.Cabdiraxmaan Cabdisamed Ibraahim.
Munaasibadan xilwareejinta ah ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradu, xubno ka mid ah golaha wasiiradda, bahda caafimaadka, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay hoggaanka cusub ee Cisbitaalka Hargaysa iyo maamulkii hore.