Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye iyo Salaadiinta beesha Hjeclo.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Mohamed Kaahin Axmed, ayaa xalay kulan la qaatay bahda dhaqanka beesha Hjeclo. Kulankaas oo ka dhacay Hotel Guuleed magaalada hargaysa.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay xaaladda guud iyo siyaasadeed ee dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa midnimada iyo wada jirka dadka Reer Somaliland, ta gaarka ah ee beesha.
Guddoomiyaha waxa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Gudida fulinta ee xisbiga, golaha dhexe, xubno wasiiro hore, Gudoomiyayaal hay’adeed hore, agaasimayaal guud kasoo qabtay xukuumadii kulmiye iyo Mayor kii hore ee magaalada Burco.