Dad ku dhintay weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday kaniisad ku taalla Dimishiq
Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay 63 kalena way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Dimishiq, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Suuriya.
Nin ayaa hub ku furay kaniisadda Greek Orthodox Church of the Prophet Elias ee deegaanka xilli ay dad ku cibaadeysaneeyn fiidnimadii Axadda ka hor inta uusan ninkaasi qarxin jaakadda qarxa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Waxa ay sheegtay in ninka weerarka geystay uu xiriir la leeyahay kooxda jihaad doonka ah ee Daacish. Ma jirto wax sheegasho ah oo ka soo baxay kooxda lafteeda.
Sawirro iyo muuqaal laga soo qaaday gudaha kaniisadda ayaa muujinayay meel allabari oo aad u burbursan, fiilooyinka ay ku daboolan yihiin muraayadaha jaban iyo dhiig uu daadsan yahay gidaarada.