Warrarkii ugu dembeyey Maraykanka oo duqeeyey saddex ka mida xarumaha Nukliyeerka Iran
Mareykanka ayaa sheegay in uu weerar ku qaaday saddex xarumood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla Iran oo kala ah Natanz, Isfahan iyo Fordo – kan dambe ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa bartilmaameedkii ugu adkaa uguna qiimaha badnaa.
Khudbad uu telefishinka u jeediyay shacabka, ayuu Trump ku ammaanay howlgalka isagoo ku tilmaamay “guul millatari oo cajiib ah”, isagoo uga digay Tehran inay si degdeg ah nabadda u sameyso haddii kale ay wajihi doonto weerarro “ka sii weyn”.
Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inuu adeegsaday bambaanooyin culus oo laga soo tuuray B-2, bambooyin qarsoodi ah iyo gantaalada Tomahawk cruise missiles – faahfaahinta waxaa lagu dhawaaqi karaa warbixin kooban oo Pentagon ah galinka dambe ee Axadda.
Warbaahinta Iran ayaa qirtay qayb ahaan in la weeraray xarunta Fordo oo lagu “weerarray duqaymaha cadowga”laakiin waxay hoos u dhigaysaa baaxada khasaaraha.
Tehran ayaa mar sii horreysay ka digtay inay beegsan doonto danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, si ay uga aargoosato weerar kasta oo Mareykanka uu geysto – illaa iyo hadda waxa ay gantaallo ku gantay dhanka Israa’iil, iyadoo qaraxyo laga maqlay magaalada Qudus.